|
Muqdisho, (insidesomalia.org) In ka badan 24 ruux oo isugu jira hawen caruur iyo rag ayaa saaka meydadkooda laga soo helay deegaanada Suuqa Xoolaha, Black Sea, iyo baar Ubax oo ka mid ah Degmoyinka Hodan, H/wadaag iyo Heliwaa ee Magaaladan Muqdisho.
Goobo shalay illaa xalay uu ka socday Dagaal ay fooda isku dareen ciidamada Itoobiya iyo dagaalyahano ka soo horjeeda joogitaankooda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga soo heley saaka meydad 40 gaaraya.
Sida warar ay sheegayaan illaa 24 ka mid ah dadkaasi ayaa saaka meydkoda laga helay halka loo yaqaano biyo degeenka oo ku taala deegaanka Suuqa xoolaha kuwaasoo ay ka mid yihiin labo caruur ah oo midkood uu ka muuqdo gowrac iyo sadex haween ah oo midkood ay leedahay uur.
Waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in dadkaasi shalay illaa xalay ay halkaasi ku dileen ciidamada Itoobiya ka dib marki ay kala soo baxeen guryahooda oo halkaasi ku yiilay, waxaana sidoo kale ay ciidamada Itoobiya burbur u geysteen goobihii ganacsiga ee halkaasi ku yiilay.
Sidoo kale, illaa 10 ruux oo ay ku jiraan 4 haween ah ayaa saaka meydkooda laga helay isgoysyada Black Sea iyo baar ubax oo ku kala yaala Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Kuwaasoo la sheegay in qaarkood ay qabeen dhaawacyo rasaaseed oo madaxa kaga yiilay halka kuwo kalena ay ciidamada Itoobiya gowrcaeen, waxaana guud ahaan arimahan ka dambeeyeen Dagaalo qaraar oo shalay ka dhacay goobahaasi oo ciidamada itoobiya qaar kamid ah lagu diley.
|